Home Horyaalka Ingiriiska Mohamed Salah Qeyb ma ka yahay Kulanka Liverpool ee wajaheyso Leicester City

Mohamed Salah Qeyb ma ka yahay Kulanka Liverpool ee wajaheyso Leicester City

0

Xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool Mohamed Salah ayaa loo maleynayaa in uu qeyb ka noqon karo  kulanka kooxda Leicester City axada isagoo u maleynaya inuu tijaabada coronavirus ee soo socota uu soo laaban doono.

28 jirkaan ayaa la sheegay inuu ku dhacay viruska intii uu gudanayay waajibaadka qaran ee Masar, waxaana uu haatan yahay mid tikoor ku jira iyadoo saaxiibkiisa Mohamed Elneny uu isna laga helay Xanuunka.

Liverpool ayaa horeba u haysatay ciyaartoy badan oo ka maqan booqashada Leicester, laakiin Reds ayaa gacan weyn laga siin karaa haddii tijaabada Salah ee khamiista ay muujiso inuusan qabin cudurka.

Sida ay qortay Daily Mail , Hossam Hosny – oo ah madaxa guddiga caafimaadka Masar ee COVID-19 – ayaa yiri: “Saalax wuxuu haatan ku sugan yahay El-Gouna si uu u dhameystiro karantiilkiisa wuxuuna sameyn doonaa baaritaan kale oo PCR ah Khamiista, waxaana rajeynayaa in natiijadiisa ay noqon doonto mid wanaagsan maxaa yeelay ilaa iyo haatan, ciyaaryahanka ma uusan muujin wax calaamado ah.

“Sida muwaadin kasta oo Masaari ah, Saalax wuxuu maray dhammaan baaritaanada caafimaad ee loo baahnaa iyo baaritaanno muujinayay inuusan qabin wax calaamado ah hadana wuxuu raacayaa borotokoolka caafimaadka isagoo iskiis isku karantiilay.

Liverpool ayaa nala soo xiriiraysa si aan u hubino Salah, shaqaalahooda caafimaadna waxay isku raaceen inuu u safri doono El-Gouna. Salah wuxuu ku laaban karaa England hadii natiijada baaritaanka ee khamiista ay tahay mid wanaagsan.

Natiijo ahaan, Salah wuxuu heystaa fursad banaanka ah oo uu safka Liverpool kaga soo muuqan karo laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Masar ayaa weli loo arkaa inuu shaki weyn ku jiro kulanka.

Ciyaaro.com

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here