Home Wararka Ciyaaraha Moises Caicedo oo laga saaray tababarkii kooxdiisa Brighton kaddib markii uu ...

Moises Caicedo oo laga saaray tababarkii kooxdiisa Brighton kaddib markii uu dalbaday in loo ogolaado inuu tago Arsenal

0
Ad

Moises Caicedo ayaa maanta laga saaray tababarkii kooxdiisa Brighton kaddib markii uu xalay dalbaday in loo ogolaado inuu tago Arsenal oo dalab kasoo gudbisay maalintii Jimcaha, una ballan-qaadday mushahar badan iyo qandaraas waqti dheer ah.

Laacibkan ayaa waxa qoraal uu xalay soo saaray uuku sheegay, in uu yahay curadka 10 carruur ah oo walaalo ah oo danyar ah oo isaga sugaya, waxaanu ka codsaday kooxdiisa Brighton inay siiyaan fursad uu nolosha qoyskooda ku kabo oo u wareego Arsenal.

Ad

Brighton & Hove Albion ayaa iska diidday inay ogolaato inuu laacibkani tago Arsenal oo waliba 60 milyan oo Gini diyaar ula ah inay siiso, waxaana iyadoo xaaladda laacibkani ay sidaas tahay ay warbaahintu heshay mushaharka uu laacibkani ka qaato Brighton, kaas oo argagax ku riday taageereyaasha kubadda cagta.

Moises Caicedo ayaa wax auu toddobaadkii mushahar u qaataa kaliya £15,000 Gini, taas oo sannadkiina noqonaysa £780,000 Gini, halka mushaharka celceliska ciyaartoyda Premier League uu ka ayahay £60,000 Gini toddobaadkii.

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa arrintan kaga falceliyey baraha bulshda, waxaanay isla qaateen in Gunners ay dulmi weyn ku samaysay Moises Caicedo, qasabna ay tahay inuu iskaga tago kooxdaas.

Previous articleKooxda Man United oo iska xaadirisay Wareega 16-ka FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Reading Kulan ka dhacay Old Trafford.
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Axad Ah 29-ka January

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here