Morata oo go’an ka gaaray hadii uu ku biirayo kooxda Arsenal

Weeraryahanka Atletico Madrid Alvaro Morata ayaa qarka u saaran inuu iska diido u dhaqaaqista Premier League .

29-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay amaah ku joogay Juventus , halkaasoo uu ku qaatay waqtiyo kala duwan.

Sida laga soo xigtay Gazetta dello Sport , Morata ayaa diirada u saaran kooxaha Arsenal iyo Newcastle United .

Si kastaba ha ahaatee ciyaaryahanka ayaa ku wargeliyay kooxaha inuu aad ugu yar yahay xiisaha uu ugu soo laabanayo Premier League .

Morata ayaa England kula halgamay Chelsea , wuxuuna aad u xiiseeyaa inuu dib ugu biiro Juventus xagaagan.

Sidoo kale waxaa jirta suurtogalnimada inuu baaqi kusii ahaado Atleti, inkastoo uusan ku jirin qorshaha tababare Diego Simeone.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*