Morocco 0-0 Spain: Xulka Spain oo laga Ciribtiray Koobka Aduunka ee Qatar 2022

Rajadii Koobka Aduunka ee Spain ayaa goor dhow lasoo afjaray kadib markii Xulka Reer Africa ee Morocco ay kaga badiyeen Rigoorayaal.

Morocoo oo u muuqday kuwa ku soo dar-daarmay inay koobka ka reebaan Spain ayaa difaacday 120 Daqiiqo ee lagu jiray Garoonka taasi oo keentay in leesla aado Rigoorayaal sida Sharciga.

Xulka Spain ayaa iska Qasaariyay Saddex Rigoore oo loo dhigay P. Sarabia, C. Soler iyo S. Busquets Halka Morocco ay dhalisay Saddex kamid ah Afar Rigoore oo loo dhigay iyadoo Rigoorada ugu danbeysay uu ku raaxeestay Hakimi Waxana 3-0 Rigoorayaal ah ku soo baxay Morocco.

Xulka Morocco ayaa wajihidoona midka soo boxo Labada Xul ee Portugal iyo Switzerland oo goor dhow ciyaaraya.

Morocco ayaa Caawa heshay Taageerayaasha ugu badan madama ay kasoo jeedo dhul ahaan Africa Halka Dad ahaana ay Carab yihiin taasi oo u sahashay inay helaan taageerayaasha ugu badan halka uu koobka ka socdo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*