Morocco 2-0 Comoros: Xulka Morocco oo u soo baxay wareega 16ka ee Koobka Qaramada Afrika

Morocco ayaa wali hogaanka u haysa Group C kadib markii ay 2-0 ku garaacday Comoros laakiin xulka yar ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xulka Waqooyiga Afrika ayaa ciyaarta la wareegay xilli hore, waxaana ay daah fureen goolka Daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta, iyadoo Selim Amallah uu kubad ka toogtay xerada ganaaxa dhexdeeda meel 10 yard u jirta goolka.

Daqiiqadii 36 aad Morocco oo hogaanka ciyaarta haysay ayaa ku dhawaatay inay laba jibaarto hogaanka ciyaarta, xidiga Romain Saïss ayaa helay kubad madax ah taasi inkastoo uusan dhalin.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta kooxda Vahid Halilhodzic ay halkeeda ka sii waday dadaal ay ku raadinaysay gool kale iyadoo xulka qaranka Comoros ay sameeyeen difaac adag.

Sofiane Boufal ayaa ahaa xidigii ku xigay ee lumiyay fursad wayn iyada oo kubad uu soo tuuray uu si cajiib ah u badbaadiyay goolhaye Salim Boina.

Morocco ayaana heshay gool rigoore ah daqiiqadii 83aad kadib qalad lagu galay En-Nesyri, lakiin rigooradaasi ayaa laga qabtay En-Nesyri

Morocco ayaa ugu danbayn heshay goolkeedii labaad iyada oo Zakaria Aboukhlal uu dhamaystiray kubad ka timid dhanka daafacyada guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0..

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*