Morocco ayaa iska xaadirisay wareega 8-aad ee koobka qaramada Afrika iyada oo Achraf Hakimi uu laad xor ah oo cajiib ah u dhaliyay Xulkiisa oo 2-1 kaga badiyay Malawi.
Xulka Malawi ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 7aad waxana goolka u dhaliyay Gabadinho Mhango oo kasoo toogtay meel 40 yaardi u jirta goosha. lakin waxaa ku adkaatay inay difaacdaan goolkooda.
Daafaca dambeedka midig ee Paris Saint-Germain ayaa 20-daqiiqo oo ciyaarta ka harsan dhaliyay laad xur ah garoonka Stade Ahmadou Ahidjo halka goolka labaad uu dhamaadka qeybta hore ka caawiyay Youssef En-Nesyri kaasi oo madax ku dhameestiray kubad ka timid Selim Amallah.
Ka dib markii ay ka soo baxeen Group B oo ay ku jiraan kaalinta seddexaad, Malawi ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqatay wareega bug baxa AFCON.