Mourinho oo go’aan ka qaatay hadii uu ka tagayo kooxda Roma iyadoo Everton ay xiiseyneyso

Jose Mourinho ayaa ku faraxsan Roma waqtigan.

Tababaraha reer Portugal ayaa ah kii ugu dambeeyay ee lala xiriiriyo shaqada ka banaan Everton ee England.

Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports News ayaa muujineysa in inkastoo milkiilaha Everton Farhad Moshiri uu doonayo inuu Mourinho dib ugu soo celiyo Premier League , xiisaha ma ahan mid labada dhinac ah.

Inkastoo Roma aysan ku raaxaysaneynin xilli ciyaareedka ugu fiican, Mourinho waxaa ka go’an joogitaanka kooxdiisa.

Labo sano iyo bar ayaa uga harsan qandaraaskiisa, waxaana uu doonayaa inuu dhiso kooxdiisa Rome.

Everton ayaa laga yaabaa inay u weecanto tababarihii hore ee Porto iyo Fenerbahce Vitor Pereira, halka Frank Lampard iyo Wayne Rooney ay sidoo kale lala xiriirinayo shaqada kooxda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*