Mourinho oo qirtay go’ankiisa ku aadan la joogitaanka Roma

Jose Mourinho ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu la sii joogo Roma waqti dheer.

Mourinho ayaa isku diyaarinaya in uu Roma ku hogaamiyo finalka Europa Conference League xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya.

“(Sir Alex) Ferguson waxa uu halkaa [Man United] ku sugnaa in ka badan 20 sano,” Mou ayaa ku jawaabay markii la waydiiyay inuu noqon karo jawaabta Roma ee Ferguson.

“Waa inaan halkaan sii joogo ilaa 79. Laga yaabee, inaan sii joogi karo ilaa aan ka gaarayo 70. Waan fahmay su’aasha, waxaan jeclahay inaan halkaan joogo waxaana filayaa inaad arki karto taas. Waxaan aqbalay mashruuc saddex sano ah, aan aragno waxa dhici doona markaas. Kama fikirayo inaan baxo ka hor dhamaadka qandaraaskayga, laakiin aan aragno sida mashruucu u qaabeeyo. Mar waxa ay la mid tahay waxa qofku malaynayo, marna, way ka duwan tahay.

“Waqtigan xaadirka ah ayaa ah waxa kaliya ee khuseeya kubada cagta, waxaana doonayaa inaan halkaan sii joogo. Taasi waa habka ugu wanaagsan ee looga jawaabi karo su’aasha.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*