Mushaharka uu Qaato Erling Braut Haaland Todobaadkii oo lasoo Dusiyay, Waxa uu Noqday Xidiga ugu mushaharka badan,,

Mushaharka Erling Braut Haaland ee Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inuu qiimihiisu yahay £865,000 todobaadkii, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan dalka.

Citizens ayaa xiddiga heerka caalami ee dalka Norway kala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund waxaana la rumeysan yahay inay ku iibsadeen kaliya 51 milyan ginni adeegiisa sababo la xiriira qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, qiimaha guud ee heshiiska, marka laga reebo mushaharka, ayaa loo maleynayaa inuu ku dhawaaday £ 100m marka la tixgelinayo khidmadaha wakiilka, gunnada saxiixa iyo kharashyada kale.

21 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Man City intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo dhaliyay 19 gool, waxaana uu diiwaan geliyay seddex caawin 12 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Haaland ayaa dhaliyay 14 gool sideed kulan oo Premier League ah, halka uu dhaliyay shan gool seddex kulan oo Champions League ah, oo ay ku jirto labo gool uu ka dhaliyay Copenhagen habeenkii Arbacada.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*