Home Wararka Ciyaaraha Maanta Musharaxa madaxweynaha Barcelona Joan Laporta oo ka hadlay Joogitaanka Messi ee Kooxda

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Joan Laporta oo ka hadlay Joogitaanka Messi ee Kooxda

0
Getty Image

Lionel Messi wuu ku faraxsan yahay Barcelona wuxuuna doonayaa inuu qandaraas cusub u saxiixo Camp Nou sida uu sheegayo musharaxa madaxweyne Joan Laporta .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina qandaraaska uu haatan kula joogo kooxda reer Catalan ayaa dhacaya dhamaadka bisha Juun, Manchester City , iyo sidoo kale Paris Saint-Germain , ayaa weli lala xiriirinayaa adeegiisa.

Si kastaba ha noqotee, Laporta, oo ah ninka ugu cadcad inuu bedelo Josep Maria Bartomeu inuu noqdo madaxweynaha Barca, ayaa ku adkeystay in 33 jirkaan “uu sameyn doono wax walba oo karaankiisa ah” si uu ula sii joogo kooxda.

“Messi wuxuu hada gabi ahaanba diirada saarayaa qabashada Atletico Madrid ee La Liga iyo ciyaarida kulanka Paris Saint-Germain ee Champions League,” Sport ayaa sidaas kasoo xigatay Laporta.

“Ma aqaano hadii uu ciyaari doono axada [finalka Spanish Super Cup] laakiin wuxuu fariisan doonaa keydka, waana muhiim in Leo uu dhiiri galiyo saaxiibadiisa.

Waxaan u arkaa inuu aad iyo aad u faraxsan yahay, wuu ku raaxeysanayaa. Waan ogahay inuu doonayo inuu sii joogo, waana ogahay inuu sameyn doono wax walba oo karaankiisa ah si uu u sii joogo inta ay kooxdu u soo bandhigi karto dalab ku habboon isaga.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here