Home Suuqa Kala iibsiga Mustaqbalka goolhayaha Man City oo cirka isku sii shareeraya

Mustaqbalka goolhayaha Man City oo cirka isku sii shareeraya

0

Mustaqbalka goolhayaha Man City ayaa cirka isku sii shareeraya iyadoo lala xiriirinayo kooxaha Saudi Pro League – usbuucan tababare Pep Guardiola ayaa ka aamusay arrinta isagoo sheegay inuu rajeynayo inuu sii joogo xiddiga Brazil.

Ederson waxa uu sheegay in aanu wali go’aansanin balse waxa uu ku adkaystay in uu ku faraxsan yahay Etihad.

“Weli go’aan ma jiro,” ayuu yidhi Goolhayaha reer Brazil.

“In aan maqlo Pep in uu doonayo in aan sii joogo waa wax i qanciyay”.

“hadda waa xilli ciyaareedkeygii sideedaad waxana aan qaatay wakhti fiican iyo walia kuwo xun”

“Waan ku faraxsanahay halkan, wakhti fiican ayaan la qaatay asxaabteyda kooxda, sidoo kale waan ku raaxaysanayaa si aan taam ahaanshkayga ugu soo laabto wadada. Aad ayaan u degganahay, wax kasta oo dhacaa waxay ku jiraan gacmaha Ilaahay, wuuna yaqaan jidka saxda ah ee loo maro. Wax kasta oo uu i siiyo waan ku farxi doonaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here