Home Warka Xiisaha Leh Mustaqbalka Sancho ee united go’aanka macalin Erik ten Hag

Mustaqbalka Sancho ee united go’aanka macalin Erik ten Hag

0

Jadon Sancho ayaa diyaar u ah inuu ka tago Manchester United, haddii uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo ee sanadka soo socda, tani waxay dhici doontaa haddii 23-jirka khadka dhexe ee England uu sii joogo kooxda ilaa sanadka cusub. (Manchester Evening News)

Erik ten Hag kama noqon doono go’aanka uu kaga dalbanayo ciyaaryahanka inuu raaligelin ka bixiyo wixii uu sameeyay. Sidoo kale wuxuu u baahan yahay inuu ku ciqaabo, wuxuu u baahan yahay inuu raali gelin ka bixiyo meel fagaare ah hadalka Sancho ee ah in maamulaha Unted uusan runta sheegin. (ESPN)

Bayern Munich ayaa laga yaabaa inay qaadato weeraryahanka reer England iyo kooxda Chelsea Trevoh Chalobah, oo 24 jir ah, ilaa bisha Janaayo ee soo socota. (Football Insider)

Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay qandaraaska u kordhiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Norway Martin Odegaard, 24. (ESPN).

Gunners ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiso daafaca reer England, Ben White, inkastoo uu noqon doono 3 sano, intaa kadibna qandaraaska ciyaaryahanka 25 jirka ah ayaa dhacaya. (subway)

Previous articleCristiano Ronald oo magacaabay difaacii ugu adkaa ee abid uu ka hor tegay intii uu ku jiray kubadda cagta
Next articleManchester United oo mar kale lagu jiidjiiday garoonkeeda Old Trafford

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here