Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in kooxdiisu aysan marnaba ku fikirin u dhaqaaqista weeraryahanka Napoli Victor Osimhen inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
24-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay kooxdiisa Talyaaniga intii lagu jiray ololihii 2022-23, isagoo shabaqa soo taabtay 31 jeer 39 kulan oo uu saftay, marka lagu daro shan caawin.
Osimhen ayaa dhaliyay 26 gool intii lagu jiray ololihii ay Napoli ku qaaday horyaalka Serie A, waxaana si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Naples horaantii suuqa kala iibsiga.
Manchester United , Chelsea iyo Bayern Munich ayaa ka mid ahaa kooxaha loo malaynayo inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria, halka Real Madrid ay sidoo kale dooneysay.
Si kastaba ha ahaatee, maamulaha Los Blancos Ancelotti ayaa beeniyay in kooxdiisa ay ku fikirtay inay u dhaqaaqdo da’yarkii hore ee Wolfsburg.
Xitaa bixitaankii Karim Benzema , oo si xor ah uga tagay Saudi Arabia, ma aysan horseedin Real Madrid inay raadiso heshiis suurtagal ah ee Osimhen, sida uu sheegay macalinkan.