Muxuu Lionel Messi ugu Xanaaqay Xidiga Robert Lewandowski Kulankii Xalay

Lionel Messi iyo Robert Lewandowski ayaa labaduba kasoo muuqan doona wareega bug baxa ee koobka aduunka 2022.

Argentina iyo Poland ayaa labadooduba si wada jir ah ugu dabaal dagay garoonka 974 kadib markii ay xaqiijisteen u soo bixida wareega 16ka.

waxaa la yaab noqoto in la arko Lewandowski iyo Messi oo wada wadaagaya u soo bixitaanka wareega 16-ka.

xidiga Messi ayaa u muuqday mid ka xanaaqsan Lewandowski kadib markii uu qalad kala kulmay weeraryahanka Barcelona isagoo iska indho tiray.

Ku celiska ayaa muujinayay in Messi uu diiday dadaalkii Lewandowski ee ahaa inuu xiisadda qaboojiyo taasoo keentay muuqaallo lagu wadaago baraha bulshada

Si kastaba ha ahaatee, labada xidig ayaa ugu danbeyn xaalada dajiyay markii ciyaarta ay dhamaatay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*