Napoli oo 4-1 ku Xasuuqday kooxda Liverpool, Barcelona oo dhankeeda badisay iyo Kulamada kale ee Champions league-ga laga Ciyaaray Caawa

qaar kamid ah kulamada Champion leageuga ayaa la ciyaaray iyadoo kooxda Liverpool ay guul daro kala kulantay Napoli halka Barcelona iyo Payern Munich ay iskugu jawaabeen guulo.

Napoli 4-1 Liverpool

Napoli ayaa afar gool uga badisay kooxda Liverpool kulan ka tiran Guruubka A Waxana hogaanka ku qabatay gool rigoore ah ka dib markii James Milner uu kubad xerada ganaaxa dhexdeeda ku taabtay Piotr Zieliński ayaana gool u badalay Daqiiqadii 5aad.

Kooxda Serie A ka dhisan ayaa 11-daqiiqo kaddib laga dhigay rigoore labaad kaddib markii Virgil van Dijk uu diilinta ganaaxa qalad kula galay Victor Osimhen, balse laacibka Nigeria ayaa rigoorada qaatay, inkastoo laga qabtay

Giovanni Simeone oo kursiga keydka ka soo kacay ayaa seddex gool ka dhigay ka hor qeybtii nasashada ee ciyaarta kubad uu soo karoosay Kvaratskhelia.

Zieliński ayaa ku daray goolkii afaraad bilowgii qeybtii labaad, laakiin Luis Díaz ayaa daqiiqado ka dib u jawaabay kooxda martida aheyd daqiiqadii 49aad.

Inter 0-2 Bayern Munich

Payern Munich ayaa 1-2 uga soo badisay kooxda inter Milan oo booqasho ugu tagtay xidiga Leroy Sane ayaa 25 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta hogaanka u dhiigay kooxdiisa.

kubad uu kasoo shaqeeyay Sané waxaa iska dhaliyay Danilo D’Ambrosio Daqiiqadii 66aad ee qeybta labaad kulanka ayaana ku soo dhamaaday 0-2.

Barcelona 5-1 Viktoria Plzeň

kooxda Barcelona ayaa xasuuq u geysatay kooxda Vitoria Plezen oo mati ku aheyd garoonka Barcelona iyadoo Xidiga uu dhaliyay Saddaxe gool.

Goolashada waxaa daah-furay Kessié Daqiiqadii 13aad ′, waxaa saddex gool ku daray Lewandowski Daqiiqadiihii 34′, 45+3′, 68′, halka Torres uu dhaliyay goolka shanaad Daqiiqadii 71aad goolka kaliya ee Voktoria waxaa u saxiixay Sykora daqiiqadii  45aad.

Natiijooyinka kulamada Champions League ee caawa

Group A
Ajax 4- Rangers
Napoli 4-Liverpool
Group B
Club Brugge 1-Bayer Leverkusen
Atletico Madrid 2-1 FC Porto
Group C
Barcelona 5-FC Viktoria Plzen
Inter Milan 0-Bayern Munich
Group D
Tottenham Hotspur 2-Marseille
Eintracht Frankfurt 0-Sporting Lisbon

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*