Napoli oo dooneysa Xidiga Emerson Palmieri ee Chelsea ka tirsan?

Napoli ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto saxiixa xidiga Chelsea Emerson Palmieri .

26 jirkaan ayaa xilli hore lumiyay booskiisa kooxda ka dhisan Stamford Bridge xilli ciyaareedkii hore, hadana imaatinka Ben Chilwell ayaa ku adkeeyay Emerson inuu boos joogta ka helo kooxda.

Ciyaaryahankii hore ee Roma ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Italy xagaagii oo dhan, laakiin Emerson ayaa ugu dambeyn sii joogay Stamford Bridge, halkaasoo uusan hal daqiiqo ka ciyaarin kubada cagta Premier League xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, daafacan bidix ee mudada dheer ku sugnaa caasimada ayaa dhawaan soo afjari kara, wargayska reer talyaani ee Repubblica ayaa sheegaya in kooxda Napoli ay u qoondeysay Emerson inuu yahay saxiixa ugu wanaagsan ee ay ku xoojinayaan dhanka bidix ee daafaca

Emerson ayaa labo jeer u soo muuqday wiilasha Lampard tartamada EFL Cup iyo Champions League xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu raadinayaa boos joogto ah, daafaca ayaa ka dhawaajiyay inuu soo gabagabeyn doono joogitaankiisa Stamford Bridge bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga, ayaa qandaraaskiisa haatan ee Chelsea waxa uu dhacayaa 2022,  waxaana dhawaan uu ciyaaray 90ka daqiiqo oo buuxda kulankii Italy ay 2-0 kaga badisay Poland Axadii.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*