Home Wararka Ciyaaraha Natiijo: Arsenal 3-0 AFC Wimbledon, Gunners oo iska xaadirisay Wareegga 4aad Ee...

Natiijo: Arsenal 3-0 AFC Wimbledon, Gunners oo iska xaadirisay Wareegga 4aad Ee Carabao Cup.

0
Ad

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa u gudubtay wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup Cup, kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen Wimbledon oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

Daqiiqaddii 11aad ayay Arsenal xaqiijisatay guusheeda kaddib markii uu hoggaanka u dhiibay weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette oo kusoo bilowday ciyaartan kaddib kulamo uu kaydka ku jiray oo shaki la gelinayay mustaqbalkiisa sii joogista Emirates Stadium.

Ad

Rikoodhe loo dhigay ayuu Lacazette u beddelay gool, halkaas ayaanay jamaahiirta samirka  badan ee Arsenal ka bilaabeen dabbaal-deg iyo farxadda guusha tartankan oo ay Arsenal tahay naadiga ugu guulaha badnaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

Emile Smith-Rowe ayaa daqiiqaddii 77aad ee qaybta labaad si dhab ah u xaqiijiyey guusha Arsenal kaddib markii uu saxeexay goolka  labaad oo uu kasoo shaqeeyey Alexandre Lacazette oo ay ahayd habeenkiisa, isla markaana  bandhig fiican iyo door hoggaamineedba ku lahaa kulanka waxana goolka saddexaad ku daray Nketiah

Gunners ayaa sugaysa isku-aadka  tartanka Carabao Cup.

Shaxda lagu soo bilaabay ciyaarta

Arsenal XI: Lacazette, Leno, Cedric, Mari, Partey, Maitland-Niles, Holding, Nketiah, A. Lokonga, Martinelli, Nuno Tavares

Subs: M.Elneny, Kolasinac, Chambers, Smith Rowe, K. Hein, Balogun, Saka

AFC Wimbledon XI: O. Palmer, A. Woodyard, W. Nightingale, B. Heneghan, N. Tzanev, L. McCormick, A. Hartigan, H. Lawrence, N. Guinness-Walker, J. Rudoni, A. Assal

Subs: C. Alexander, D. Csóka, G. Marsh, Z. Oualah, E. Chislett, Dapo Mebude, A. Presley

Previous articleJuventus oo 3-2 uga badisay kooxda Spezia, Juve oo Xaqiijisay guusheeda ugu horeesay ee Horyaalka
Next articleNatiijo: Milan 2-0 Venezia, Hernandez oo guul ku hogaamiyay Kooxda Rossoneri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here