Kooxda Aston Villa ayaa caawa bar-baro ku qabatay kooxda Chelsea oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Stamford Bridge kulan ka tirsanaa koobka EFL Cup inkastoo ay gool ku laad ku badiyeen kooxda Chelsea kadib ciyaar waqtiga caadiga ahaa ku soo dhamaatay 1-1.
Labada kooxood ayaa sameeyay ciyaar isku mid ah taasi oo keentay in qeybta hore lagu kala nasto goolal la’an.
Qeybta labaad Daqiiqadii 54aad ayay Chelsea u suura gashay in ay qabato hogaanka ciyaarta waxana gool u dhaliyay T. Werner lakin 10 daqiiqo kadib kooxda Aston Villa ayaa heshay goolka bar-baraha ah waxana u dhaliyay C. Archer.
intaasi kadib labada kooxdood midkoodna uma suura galin in mar kale shabaqa soo taabato waxana ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-1.
sida sharciga labada kooxdood ayaa loo dhigay gool ku laad waxana ku badisay kooxda Chelsea 4-3.
Shaxda lagu soo bilaabay Ciyaarta
Chelsea XI: Saul , Kepa, Kante, Werner, Ziyech, Loftus-Cheek, T. Chalobah, Chilwell, Sarr, Reece James, Hudson-Odoi
Subs: Thiago Silva, Lukaku, Barkley, M. Bettinelli, Mount, Havertz, X. Mbuyamba
Aston Villa XI: Young, Steer, Traore, Sanson, Hause, Nakamba, El Ghazi, Buendia, Tuanzebe, M. Cash, C. Archer
Subs: Ngoyo, V. Sinisalo, J. Philogene-Bidace, C. Chukwuemeka, A. Ramsey, C. Chukwuemeka, L. Bogarde