kooxda Manchester United ayaa guul-daro kala kulantay kooxda West Ham united kulan ka tirsan kooxda EFL Cup oo ku soo dhamaaday 0-1.
West Ham United ayaa u suura gashay in qeybta hore ee ciyaarta daqiiqadii 9aad ay goolka guusha ka dhaliso man united waxana u dhaliyay xidigeeda M. Lanzini.
inkastoo Xidigaha man united badankooda ladhigay keydka hadana United uma suuragalin in ay keento goolkaasi guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 0-1.
West Ham ayaa iska khasaarisay laba fursadood oo qurux badan dhamaadkii ciyaarta, Andriy Yarmolenko ayaa si aan la qiyaasi karin ugu garaacay birta goolka kubad xoog badan halka Mark Noble oo si toos ah u toogtay Henderson.
Shaxda lagu soo bilaabay Ciyaarta
Man Utd XI: Mata, Matic, Alex Telles, Lindelof, Martial, Lingard, Bailly, Dean Henderson, Van de Beek, Dalot, Sancho
Subs: Heaton, Jones, Bruno Fernandes, Wan-Bissaka, McTominay, Greenwood, A. Elanga
West Ham XI: Noble, Yarmolenko, Dawson, Areola, Lanzini, Masuaku, Fredericks, Diop, Bowen, Ben Johnson, A. Král
Subs: Randolph, Ogbonna, V. Coufal, Zouma, S. Benrahma, Vlasic, Fornals