Home Champions League Natiijooyinka Kulamada Champions league Manchester City iyo Real Madrid oo guulo gaaray...

Natiijooyinka Kulamada Champions league Manchester City iyo Real Madrid oo guulo gaaray Wareega 16-ka

0

Kooxda Manchester City ayaa mar kale direysa fariin ku aadan Xili ciyaareedkeeda ugu feecan kadib markii ay ka badisay kooxda Monchengladbach lugta hore ee wareega 12-aad ee Champions League.

Xidiga Bernardo Silva ayaana kooxda Manchester City ka caawiyay goolka hore kaasi uu yimid qeybta hore ee ciyaarta daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay goolkaasi.

Manchester City oo in badan kubad heysashada kaga feecneyd dhigeeda Monchengladbach ayaana heshay goolka labaad kadib markii kubad lasoo qaaday uu madax ku soo celiyay Bernardo Silva waxana shabaqa ku hubsaday Gabriel Jesus Daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta guud ahaan kulankan ayaana ku soo dhamaaday 0-2.

Labada Kooxood ayaana balansan 16 Maarso markaasi oo lagu ciyaaridoono garoonka Kooxda City ee Etihad Stadium.

Maxaa Xiga

Man City ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta kooxda West ham United Horyaalka Premier League sabtida soo socota.

Atalanta 0-0 Real Madrid

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa la ciyaartay kooxda Atlatanta ee Italy lugta hore ee Wareegta 16-ka Champions league.

Real Madrid ayaana hal gool oo soo daahay uga badisay kooxda Atalanta goolkaasi uu shabaqa si qurux badan ugu hubsaday xidiga Ferland Mendy.

los blancos ayaana lugta xiga garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta kooxda Atalanta isla 16-ka bisha Maarso.

Maxaa xiga

Kooxda Real Madrid ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta Real Sociedad Maalinta Isniinta

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here