Natiijooyinka Serie A Italy: Inter Milan iyo Ac Milan oo guulo ka gaaray Kulamadooda Horyaalka, Inter oo Horyaalka ku sii dhawaaneysa

Kulamo ka tirsan Horyaalka Serie A Taliyaaniga ayaa la ciyaaray iyadoo Kooxda Ac Milan oo Xaalka ku Xumaaday Kulamadii ugu danbeeyay ay guul ka gaartay Kooxda Benevento.

Milan ayaa Kulankan ku badisay 2 Gool oo ay heshay qeybta hore iyo Qeybta danbe ee ciyaarta iyadoo goolka hore uu u daah-furay H. Calhanoglu Daqiiqadii 6aad ee Ciyaarta waxana lagu kala nastay Goolkaasi.

Qeybta Danbe ee Ciyaarta Milan ayaa mar kale soo bandhigtay Kubad Feecan taasi oo ka caawisay Helista goolkeeda labaad ee Kulankan xidiga Theo Hernandez ayaana si Qurux badan u dhaliyay kubad uu soo bixiyay goolhayaha, guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0.

Dhanka kale Inter Milan ayaa ku sii dhawaaneysa Qaadista Horyaalka Serie A Italy kadib gool ay ka gaartay Kooxda Crotone.

Inter Milan oo Kulankan ku badisay labo Gool isla markana laga diiday Mid kale ayaa labadaasi gool waxay heshay Qeybta Danbe ee Ciyaarta.

Qeybta hore ee Kulankan ayaa lagu kala nastay goolal la’aan iyadoo Labada Koox ay abuureen fursado Muhiim ah lakin wax walbo ayaa is badalay markii uu Shabaqa Crotone uu soo taabtay  C. Eriksen kaasi oo caawin ka helay Romelu Lukaku, isla Romelu Lukaku ayaa laga diiday Goo kale.

Inter Milan oo Kulankan ciyaar badneyd ayaa heshay goolkeeda labaad waxana u dhaliyay Achraf Hakimi guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay labadaasi Gool.

Natiijadan ayaa ka dhigeysa in Inter Milan ay Hogaanka ku qabato 82 dhibcood Halka AC.Milan oo ku soo xigta ay leedahay 69 dhibcood.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*