Netherlands 2-2 Argentina: Xulka Argentina oo Dirqi ugu soo baxay Koobka Adduunka

Argentina ayaa ka soo gudubtay Netherlands si ay ugu soo baxdo semi-finalka Koobka Adduunka, waxayna sii nooleysay rajadii Lionel Messi ee ku guuleysiga koobka iyagoo ku soo baxay Rigoorayaal.

Xulka Holland ayaa Caawa ka naxsaday Argentina kadib markii ay iska soo Celiyeen labo gool oo lagu Lahaa iyagoo ciyaarta ka dhigay 2-2 taasi oo keentay in lagu daro Waqtiga dheeriga ahaa.

Lionel Messi ayaa daqiiqadii 35aad ciyaarta waji u yeelay markii kubad uu soo jiiday uu si daymo la’aan ah ugu baasay Nahuel Molina kaasoo kubada ku taabtay shabaqa ka hor inta uusan soo gaarin Virgil van Dijk,

Daqiiqadii 71aad Argentina waxaa loo dhigay rigoore markii Denzel Dumfries uu geeska xerada ganaaxa qalad ku galay Acuna. Waxaa rigoore u soo istaagay Lionel Messi oo gool u sarifay, wuxuuna goolkaas ku barbareeyay rikoodhkii Gabriel Batistuta ee Argentina ee Koobka Adduunka iyagoo wada leh haatan 10 gool.

Netherlands oo qeybtii labaad ciyaar fiican soo bandhigeysay ayaa ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 83aad markii karoos uu soo dhigay Berghuis uu madax ku dhaliyay Wout Weghorst oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Daqiiqadii 89aad ciyaartoyda labada dhinac ayaa ku dhawaaday inay gacanta iskula tagaan markii Leandro Paredes oo laga dhigay qalad uu ku galay Ake uu arkay kubada oo sii baxeysa, wuxuuna si xoogan ugu sii darbeeyay ciyaartoyda kursiga keydka Netherlands.

Ciyaarta ayaa lagu daray 10 daqiiqo oo dheeri ah iyadoo Netherlands ay u muuqatay mid quusatay madaama Argentina ay kubada difaacanayeen laakiin daqiiqadii ugu danbeysay ee 10kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ayaa Netherlands loo dhigay laad xor ah meel aan ka fogeyn goolka Waxana kubada loo dusiyay Weghorst oo ciyaarta ka dhigay 2-2 guud ahaan waqtiga dheeri ee lagu daray waxa uu ku soo dhamaaday bar-baro.

Goolhaye Emi Martinez ayaa mar kale Argentina rigoore ku soo saaray isagoo labo rigoore ka qabtay Berghuis iyo Virgil van Dijk taasoo u ogolaatay Argentina oo iyagana rigoore iska qasaariyay inay 4-3 ku badiyaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*