Halyeeyadii Manchester United iyo Liverpool ee Gary Neville iyo Jamie Carragher ayaa uu mid walba dhinaciisa usoo xushay kooxdii sannadka ee horyaalka Premier League, waxaanay kaliya isku mid ka noqdeen lix ciyaartoy oo u badan Manchester City oo ahaa kuwa aanay cidina ka leexan karaynin xulashadooda.
Neville iyo Carragher oo intooda badan kal aragti duwna oo jecel in aanay isku meel marin, maadaama ay usoo ciyaareen laba kooxood oo loollan iyo xafiiltan weyni uu ka dhexeeyo, waxay isku raaceen oo mid walba uu shaxda kooxdiisa sannadka kusoo darsaday Erling Haaland iyo Kevin De Bruyne oo Manchester City ah iyo walba labada ciyaartoy ee kale ee isla kooxdaas ee Ruben Dias iyo Rodri.
Afartan ciyaartoy ayaa la isku raacsan yahay inay yihiin kuwa sababta u ahaa in Manchester City ay waqti dambe garbiso Arsenal oo muddo dheer hoggaanka soo haysay, isla markaana qaaddo horyaalka Premier League.
Khubaradan hadda ah falanqeeyeyaasha Sky Sports waxa kale oo ay isku raaceen oo ay isku mid ka noqdeen xulashada kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard oo xilli-ciyaareedkan dhaliyey 15 gool oo horyaalka Premier League ah iyo siddeed kale oo uu caawiyey.
Waxayse ku kala qaybsameen xulashada difaaca bidix ee Arsenal ee Oleksandr Zinchenko oo midna uu qaatan kan kalena ka leexday.
Neville ayaan liiska kooxdiisa kusoo darin Zinchenko, waxaana uu ka doortay Pervis Estupinan oo u ciyaara Brighton, halka uu Arsenal kasoo xushay Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli oo labada garab uu u qaatay iyadoo weerarka dhexena uu siiyey Erling Haaland oo uu khadka dhexe ka caawinayo Kevin De Bruyne.
Laakiin Carragher ayaa isagu xushay Zinchenko iyo weerarka oo uu Erling Haaland ku mataaneeyey Harry Kane, halka Mohamed Salah uu dhigay garabka bidix iyadoo Liverpool uu sidoo kale kasoo qaatay goolhaye Alisson Bekcher.
Neville ayaa iska indho tiray xulashada goolhayaha Liverpool, beddelkiisana waxa uu qaatay Nick Pope oo Newcastle ah iyo difaaca dhexe oo uu William Saliba ku lifaaqay Ruben Dias.
Waxa kale oo ay isku raaceen difaaca midig oo ay labadooduba u doorteen Kieran Tripper, balse Carragher waxa uu difaaca dhexe usoo qaatay Sven Botman oo Newcastle ah oo uu ku mataaneeyey Ruben Das.
Shaxda kooxda Gary Nevill
Shaxda kooxda Jamie Carragher