Newcastle oo ku Dhawaaqday Saxiixa Xidiga Chris Wood

Newcastle United ayaa xaqiijisay saxiixa weeraryahan Chris Wood oo ay kala soo wareegeen kooxda ay xafiiltamaan ee Burnley.

30-sano jirkaan ayaa noqonaya saxiixii labaad ee kooxda ay sameyso suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, ka dib imaanshiyaha Kieran Trippier ee Atlético Madrid usbuucii hore.

Burnley ayaa xaqiijisay in Magpies ay ogolaatay qodob lagu burburin karo qandaraaska Wood ee Turf Moor, kaasoo la rumeysan yahay inuu ku kacayo 25 milyan ginni. Lacagtaas ayaa ka dhigi doonta ciyaaryahanka seddexaad ee ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka New Zealand ayaa saxiixay heshiis labo sano iyo bar ah oo uu ku joogayo St James’ Park, waxaana uu koox kale oo u dagaalamaysa ku badashay inay ku sii jirto Premier League.

Waxa uu ka tagayaa Burnley oo ku jirta kaalinta 18-aad si uu boos ka hooseeyo labada kooxoodba ay isku dhibco yihiin, inkastoo Clarets ay kaga horreeyaan farqiga goolasha.

Wood ayaa dhaliyay seddex gool 17 kulan oo uu saftay ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*