Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa maalgelintii laga sugayay uu ku samayn doonaa Sucuudigu xagaagan, kaddib markii ay usoo gudubtay tartanka Champions League ee ay ka maqnayd muddo 20 sannadood ah.
Newcastle oo sannad ka hor ay iibsatay Boqortooyada Sucuudiga oo qayb ka noqotay maalgelinta ay shirkadda u qaabbilsan dibedda ee Sucuudigu samaysay, ayaa waxa u calaamadsan in ay ciyaartooyo waAweyn la saxeexato marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu.
Magpies oo durba ka mid noqotay naadiyada safka hore ee horyaalka Premier League, ayaa waxa uu Eddie Howe uu doonayaa in uu keeno weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo ay doonayaan kooxo badan oo Ingiriis iyo Yurubta kale ah iyo waliba Neymar Jr oo la sheegay in aanu ku qanacsanayn sii joogista PSG.
Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in Newcastle aanay ka xishoon doonin in ay samayso isku-day kasta oo ay ciyaartoyda ugu waaweyn kusoo jiidanayso xagaagan, si aya u dhisaan koox xiddigo waaweyn joogaan.
Waxay kooxdanio tusaale ka dhiganaysaa Real Madrid oo horraanta sannadihii 2000 iskugu keentay Santago Bernabeu xiddigo waaweyn oo lagu naanaysi jiray ‘Galacticos’, waana sababta ay Harry Kane iyo Neymar ugu horreysiiyeen liiska ciyaartoyda u calaamdsan.
Callum Wilson iyo Alexnder Isak oo hadda ah labda weeraryahan ee ay Newcastle haysato ayaa waxay ku xoojinayaan xiddigo kale, iyaga oo u arka in ay kasban doonaan taageero badan oo Premier League iyo dibedda ah haddii ay Neymar iyo Kane yimaaddaan.
Waxa kale oo liiska ciyaartoyda ay Newcastle doonayso ku jira James Maddison oo kooxdiisa Leicester City ay halis ugu jirto inay heerka labaad u dhacdo, Moussa Dibay oo lala xidhiidhinayo Arsenal iyo Ryan Gravenberch oo u ciyaara Bayern Munich oo ku jiray liiska ciyaartoyda ay doonayso Liverpool.
Intaas oo kaliya kuma ekaanayaan, hase yeeshee waxa kale oo ay doonayaan ciyaartoyga afraad ee ugu qaalisan adduunyada ee Joao Felix oo sannadkii 2019 ay Atletco Madrid u jabisay qasnaddeeda, balse qaab-ciyaareedkiisu aanu ku habboonayn dagaalka Simeone uu ku ababiyo ciyaartoydiisa, taas oo keentay in amaah loogu diro Chelsea.
Tan iyo intii uu Sucuudigu iibsaday, Newcastle United ayaa la saxeexatay Bruno Guimaraes oo ay £42 kusoo iibsatay, Anthony Gordon oo ay £45 milyan kasoo bixisay iyo Alexander Isak oo £63 milyan oo Gini ku jooga.