Newcastle United oo isha ku heysa inay u dhaqaaqdo Fikayo Tomori qaab amaah ah

Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay amaah ku doonaneyso Chelsea daafaceedea Fikayo Tomori marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Tomori wuxuu ku dhibtooday waqtiga ciyaarta tan iyo imaatinka Thiago Silva iyo qaab ciyaareedka wacan ee Kurt Zouma xagaagam

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Newcastle ayaa ka fiirsaneysa inay amaah ugu dhaqaaqdo Tomori, si kastaba ha ahaatee Magpies ayaa rajeyneysa inay tartan kala kulmaan kooxaha kale.

Weli ma cada sida Tomori uu u jeclaan lahaa inuu sii joogo Premier League ama inuu u guuro dibedda si uu khibrad ugu yeesho horyaal kale.

22 jirkaan ayaa iska diiday maalintii ugu dambeysay ee amaah ee uu ugu biirayay West Ham United suuqii xagaaga.

Tomori ayaa ciyaaray hal kulan oo Premier League ah ololahan – isagoo badal ku soo galay guuldaradii Liverpool – halka labadiisii ​​kulan ee kale uu wada ciyaaray Carabao Cup.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*