Neymar oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda Paris Saint-Germain ka hor kulanka Real Madrid.

Neymar ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda Paris Saint-Germain ka hor kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee todobaadka soo socda ay la ciyaari doonaan Real Madrid .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaan u ciyaarin kooxda Mauricio Pochettino tan iyo dhamaadkii bishii November sababo la xiriira dhibaato dhaawac oo soo gaadhay, waxaana uu dhaliyay kaliya seddex gool xilli uu ku jiray olole aan wanaagsaneyn.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar ayaa la soo sawiray isagoo si buuxda tababarka ugala qayb qaadanaya saaxiibadiisa PSG ka hor kulanka lugta hore ee wareega 16-ka ee Los Blancos habeenka Talaadada.

30-sano jirkaan ayaa afar jeer ka soo muuqday Champions League xilli ciyaareedkan, isagoo ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto ama uu diiwaangaliyo caawinaad, isagoo badiyay kaliya hal kulan afartii kulan ee uu ciyaaray.

Neymar uma badna inuu ku lug yeesho kulanka sabtida ee Ligue 1 ee Rennes laakiin waxaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto kooxda kulanka Yurub ee ay la ciyaarayaan kooxda reer Spain.

Laacibka reer South America ayaa dhaliyay 90 gool waxaana loo diwaan galiyay 55 caawin 130 kulan oo uu u saftay PSG tan iyo markii uu kooxda reer France kaga soo biiray Barcelona bishii Ogosto 2017

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*