Neymar Oo Fariin U Diray Lionel Messi Kadib Markii Ay PSG Ku Aaday Barcelona

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa fariin u diray xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kadib markii ay kooxda PSG ku aaday kooxda Barcelona wareega 16-ka champions League.

UEFA ayaa maanta samaysay isku aadka wareega 16-ka champions league iyada oo kooxda PSG ku aaday Barcelona wareega 16-ka tartanka champions Leageu.

Kadib isku aadka Neymar ayaa fariin u diray xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Lionel Messi ka hor kulanka ay isaga hor iman doonaan.

Neymar oo dhaawac ka soo gaadhay kulankii Lyon ee horyaalka France ayaa la sheegayaa in uu taam u noqon doono champions league maadama uuna dhaawaciisu ahayn sidii laga cabsi qabay.

Neymar ayaa bogiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal isaga iyo Messi oo is dhunkanaya xilli Messi gacan ku haysto abaalmarinta Ballon d’Or waxana uu sii raaciyay qoraal ah “Dhawaan ayaan is Arki Doonaa Saaxiibkay”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*