Neymar oo heshiiska PSG ku daray Qodob laxiriira Kylian Mbappe hadii uusan saxiixin Heshiis cusub

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu weydiistay qodob lagu daro qandaraaskiisa Paris Saint-Germain taas oo u ogolaaneysa inuu ka tago kooxda haddii Kylian Mbappe uusan saxiixin heshiis cusub oo isaga u gaar ah.

Xiddiga reer Brazil Neymar ayaa ogolaaday heshiis kordhin afar sano ah oo uu kusii joogayo garoonka Parc des Princes bishii lasoo dhaafay, taasoo soo afjartay bilooyin la isla dhexmarayay mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha noqotee, weeraryahanka kale ee Mbappe weli ma uusan ballan qaadin heshiis cusub waxaana lagu wadaa inuu noqdo wakiil bilaash ah sannad gudihiis.

22-sano jirkaan ayaa weli lala xiriirinayaa la Real Madrid , inkastoo PSG Madaxweyne Nasser Al-Khelaifi ku adkeysanayo in ciyaaryahanka uusan meelna u socon .

Sida laga soo xigtay wargayska Spanish-ka ah ee AS , luminta Mbappe ee Madrid waxay culeys ku noqon doontaa kooxda Parisiens sida ku cad heshiiska uu la galay Neymar.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa tilmaamaysa in PSG ay kaliya ogolaatay in lagu daro qodobka heshiiska Neymar maadama ay ku kalsoon yihiin in Mbappe uu qalinka ku duugo.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*