Home Warka Xiisaha Leh Neymar oo magacaabay afar kooxood oo Premier League ah oo uu xiisaynayo...

Neymar oo magacaabay afar kooxood oo Premier League ah oo uu xiisaynayo inuu u ciyaaro

0
Ad
Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa magacaabay afar kooxood oo Premier League ah oo uu xiisaynayo inuu u ciyaaro, xilli la afilayo inuu iskaga tago kooxdiisa Paris Saint-Germain oo lala xidhiidhinayo horyaalka waddanka Ingiriiska  ee Premier League.
31 jirkan ayaa usbuucyadii ugu dambeeyey la isla dhax-marayay in aanu xilli ciyaareedka dambe sii joogi doonin Parc des Princes, waxaana arrinta dabka kusii shiday wada-hadallo la sheegay in PSG ay kula jirto laacibkan oo ay doonayso inay qiime hooseeya ku xaraashto.

Taageereyaasha PSG ayaa iyaguna usbuucii hore mudaharaad ka sameeyey barxadda hore ee guriga Neymar iyaga oo ku qaylinaya ‘na dhaaf’.

Neymar oo u jiifa dhaawac, ayaa la filayaa in uu bixi doono iyadoo uu Lionel Messi toddobaadkii hore si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu dhamaday waqtigiisii PSG oo uu kaliya sugayo inta uu dhamaanayo xilli iyareedkan socda.

Ad

Saddex kooxood oo Premier League ah ayaa lala xidhiidhinayaa Neymar, waxaana ka mid ah Newcastle United oo ay iibsatay Boqortooyada Sucuudigu, laakiin Manchester United ayaa sidoo kale ay diiraddeedu saaran tahay haddii uu Sheikh Jassim ka iibsado qoyska reer Glazer, halka ay Chelsea horeba dhawr jeer ula xidhiidhay.

Waraysi uu Neymar siiyey wargeyska Le Parisien ayaa lagu weydiiyey kooxaha Premier League ee uu u ciyaari lahaa haddii uu ka tago PSG, waxana uu liiskiisa ka reebay Newcastle United isaga oo doortay afar kale.

“Horyaalka Premier Legue waa tartan i cajab geliya aniga.” Ayuu ku bilaabay Neymar, waxaanu sii raaciyey: “Wxa aan jecelahay qaab-ciyaareedka iyo kooxahaba. Dee Yaa garanayo? Waa laga yaabaa in aan maalin uun ka ciyaaro, waxaanan jeclaan lahaa in oo an ka hela aManchester United, Chelsea, Arsenal iyo Liverpool.”

Si kastaba, Neymar ayaa xilli ciyaareedkani uu u ahaa mid wanaagsan ka hor intii aanu dhaawacmin, waxaana 29 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 18 gool iyo 17 kale oo uu caawiye ka noqday.

Previous articleJamaahiirta iyo xiddigaha kooxda Barcelona oo xalay maamulka kooxdooda farriin cad u diray
Next articleGarsoorihii Qirtay Halka Qalad Ee Uu Ka Sameeyey Finalkii Koobka Adduunka Oo Loo Dhiibay Kulanka Man City vs Real Madrid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here