Home Wararka Ciyaaraha Neymar oo soo afjaray hadal heynta ku aadan inuu ka tagayo PSG

Neymar oo soo afjaray hadal heynta ku aadan inuu ka tagayo PSG

0
Ad

Neymar ayaa soo afjaray hadal heynta ku aadan inuu ka tagayo PSG isagoo sameynaya shan sano oo qandaraas kordhin ah.

30-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay kooxo ay ka mid yihiin Chelsea iyo Newcastle kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in PSG ay ku wargelisay ciyaaryahanka inaan hadda la rabin.

Ad

Laakiin Sport ayaa sheegaysa in Neymar uu doortay in uu isticmaalo ikhtiyaarka qandaraaskiisa kaas oo ku sii hayn doona Paris ilaa 2027.

Neymar ayaa kooxda PSG kula jira heshiis ilaa 2025 ah isaga oo heshiiskiisa u kordhiyey 2021. Waxa la rumaysan yahay in uu sanadkii ku qaadanayo 24 milyan oo gini, taas oo la macno ah in koox kasta oo doonaysa in ay jeebkeeda faaruqiso haddii ay damcaan in ay helaan xiddiga Brazil.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 13 gool oo horyaalka ah 22 kulan oo uu saftay intii lagu jiray ololihii ay ku qaaday PSG xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaawac canqowga ah ka soo gaaray intii u dhaxeysay December iyo February.

Previous articleWar Xiiso Leh: Chelsea iyo Man City oo ku dhow inay heshiis la gaaraan Sterling
Next articleLouis Saha oo fariin adag u diray Xidiga Ronaldo ee Kooxda Manchester United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here