Home Horyaalka France Neymar oo telefoon kula hadlay Lionel Messi si uu ugu qanciyo inuu...

Neymar oo telefoon kula hadlay Lionel Messi si uu ugu qanciyo inuu ku biiro Paris Saint-Germain

0

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadal la yeeshay Super Star-ka Barcelona Lionel Messi si uu ugu biiro Paris Saint-Germain .

Labada nin ayaa horay ugu soo wada xiriiray Barca muddo afar sano ah waxaana loo saadaaliyay inay dib u midoobi doonaan xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaartoyda PSG iyo shaqaalaheeda ayaan waxbadan ka qabanin hoos u dhigista saxiixa Messi, taasoo aad uga careysiisay tababaraha Barcelona Ronald Koeman

Sida laga soo xigtay wargayska L’Equipe ee ka soo baxa France , Neymar ayaa haatan talaabo kale u sii qaaday isaga oo taleefoon u diray Messi si uu ugu qanciyo saaxiibkiisii ​​hore in uu ugu biiro Paris

Xiddiga reer Argentina ee Messi ayaa ku guuldareystay isku daygiisii ​​ahaa inuu ka tago Barca dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxaa lagu wadaa inuu noqdo wakiil xor ah seddex bilood ka dib.

Neymar wuxuu qandaraas kula jiraa Parc des Princes 18 bilood oo kale, iyadoo wadahadalo ku saabsan kordhinta qandaraasyada ay socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here