Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante kaasoo ku aadan inuu beeca xorta ah ugu dhaqaaqo Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedka 2022-23.
Qandaraaska Faransiiska ee haatan uu kula jiro kooxda Chelseq ayaa ku eg bisha June ee soo socota, lama filayo inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Graham Potter .
Kante ayaa 262 kulan u saftay Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray Leicester City xagaagii 2016, waxa uu ka qayb qaatay 13 gool iyo 15 caawin.
31-sano jirkaan ayaa ku guuleystay koobabka Premier League, FA Cup, Champions League, Europa League, UEFA Super Cup iyo Club World Cup intii uu joogay caasimadda England.
Kante ayaa mar kale ahaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo u saftay 42 kulan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 26 kulan oo Premier League ah.