Home Suuqa Kala iibsiga Nico Williams oo loo gacan galiyay nambar cusub oo kooxda Athletic Club

Nico Williams oo loo gacan galiyay nambar cusub oo kooxda Athletic Club

0

Bartilmaameedka Barcelona Nico Williams ayaa loo gacan galiyay nambar cusub oo kooxda Athletic Club ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub ee 2024-25 ee La Liga.

Williams ayaa kooxda Basque u xirtay lambarka 11-aad balse waxa uu u wareegi doonaa lambarka 10-aad ee ololaha cusub.

Williams waxa uu lambarkab ka dhaxlay Iker Muniain oo kooxda ka tagay, waxayna u muuqataa mid aad ugu faraxsan qaadashada lambarka cusub.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xirto lambarka 10 ee Muniain iyo inaa sameeyo taariikh sidii uu sameeyay,” ayuu u sheegay warbaahinta kooxda ciyaaryahan Williams.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii socoto wararka sheegaya in Barca ay dooneyso inay isku daydo saxiixa Nico ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Catalans ayaa la sheegay inay kalsooni ku qabaan Williams inuu xiiseynayo inuu u dhaqaaqo Catalunya xagaagan, waxaana ay isku dayayaan inay helaan qaab ay ku maalgeliyaan saxiixa.

Williams ayaa ku soo laabtay ciyaaraha isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Athletic ka dib markii uu Euro 2024 la qaaday Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here