Nicolas Pepe oo ka dhawaajiyay inuu sii joogi doono Arsenal

Nicolas Pepe ayaa soo jeediyay in laga yaabo inuu sii joogo Arsenal ololaha soo socda.

Isagoo ku kacay ilaa 72 milyan ginni sanadka 2019, xiddiga garabka ka ciyaara ayaa seddex sano oo isku dhafan ku qaatay Emirates Stadium, iyadoo lagu xaddiday kaliya 43 kulan oo uu ku bilowday Premier League.

Guud ahaan, 27 gool iyo 21 caawin ayaa ka yimid 112 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan iyadoo 45 kulan uu ka soo muuqday kursiga keydka.

iyadoo labo sano ay ka harsan tahay qandaraaskiisa Mikel Arteta oo mar hore sii xoojiyay kooxdiisa waxay u muuqatay lama huraan in 27 jirkaan loo ogolaan doono inuu ka tago Gunners xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast ayaa bogiisa Instagram-ka ku sheegay in laga yaabo inuu isku diyaariyo inuu waayihiisa ciyaareed ka sii wato Waqooyiga London.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*