Home Wararka Ciyaaraha Niklas Sule oo soo dhaweeyay ka ciyaarista Horyaalka Premier League Xili Chelsea...

Niklas Sule oo soo dhaweeyay ka ciyaarista Horyaalka Premier League Xili Chelsea Xiiseeneyo

0

Daafaca Bayern Munich Niklas Sule ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhaqaaqo Premier League xagaaga soo socda.

26 jirkaan qandaraaskiisa Allianz Arena ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu muujiyay rabitaan yar oo uu u qabo kordhinta xilli uu raadinayo tartan cusub.

Sule ayaa xor u ah inuu ka hadlo qodobbada heshiis horudhac ah oo uu la galo kooxo ajnabi ah laga bilaabo Janaayo 1, waxaana Goal ay ku warameysaa inuu fursadaas uga faa’iideysan doono inuu tixgeliyo dookhiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in u dhaqaaqista Premier League ay tahay doorkiisa, Chelsea ayaana loo arkaa inay xiiseyneyso xiddiga Jarmalka.

Sule ayaa loo aqoonsaday inuu yahay bartilmaameedka suurtagalka ah ee lagu bedeli karo mid ka mid ah kuwa ka tagaya.

Daafaca dhexe ayaa Bayern kaga soo biiray Hoffenheim sanadkii 2017, waxaana tan iyo markaas uu kooxda u saftay 155 kulan.

Previous articleWararka Suuqa Maanta Ciyaaraha: Gomez, Coman, Haaland, Martial, Azpilicueta, Marquinhos, Milinkovic-Savic
Next articleLiiska: 11 ciyaartoy oo ka Maqan Real Madrid Kulanka Athletic Bilbao

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here