Arsenal ayaa lagu reebay wareega 3-aad ee FA Cup-ka markii labaad oo kaliya 26 xilli ciyaareed kadib markii Lewis Grabban uu xaqiijiyay in Nottingham Forest ay 1-0 kaga badisay.
Mikel Arteta ayaa kursiga kaydka ku soo laabtay kadib markii laga helay xanuunka Coronavirus oo ku qasbay inuu seego kulankii ay guuldarada 2-1 ah ka soo gaadhay Manchester City todobaadkii hore.
soo laabashadiisa ayuu arkay iyadoo Kooxdiisa lagu garaacay garoonka City Ground, iyadoo Gunners ay soo bandhigay kubad caajis badan .
Kooxda Premier League ayaa labo jeer ku dhawaaday in shabaqa laga soo taabto qeybtii labaad ee ciyaarta, laakiin nasiibkooda ayaa lasoo afjaray ciyaarta oo ka dhigan todobo daqiiqo Grabban oo bedel kusoo galay ayaa dhaliyay goolka guusha.
Arsenal ayaa sidaasi ugu hartay koobka Ceebtii ugu dambaysay ee sidan oo kale ugu dhacda ayaa aheyd mid ka dhacday garoonka Ground City, Sanadkii 2017-18.