Xaalada ayaa ku sii xumaanaysa gudaha kooxda Real Madrid iyada oo qaab ciyaareedka iyo natiijadu ay sidan ku sii socdaan, hadii ay ahaan lahayd horyaalka Spain ama Champions League.
Guuldaradii Milan ee shalay ayaa caro badan ka dhex dhalisay Real Madrid, gaar ahaan maamulka dhexdooda, sababtoo ah waxay ahayd ciyaartii labaad ee garoonka Santiago Bernabeu ka dib El Clásico oo ay la ciyaareen Barcelona.
Heerka Real Madrid ayaa ah mid aad looga walwalo, waxaana farta eedda loo jeedinayaa tababare Ancelotti, sida laga soo xigtay shabakadda “Relevo” ee Isbaanishka, taasoo xaqiijineysa in dulqaadka maamulka uu bilaabay inuu sii dhammaanayo.
Waxaa jira saddex sababood oo uu maamulka walaac ka qabo, midda koowaad ayaa ah in Ancelotti uusan awoodin inuu xal u helo iyo qaabka ku habboon ee uu ugu tiirsan yahay ciyaaraha, ha ahaato 4-3-3 ama 4-4-2.
Sababta labaad ayaa ah Jude Bellingham oo aan la ogeyn heerka uu ka joogo kooxda, maadaama uu yahay xiddiga dhibta weyn ku qaba tijaabooyinka tababare Ancelotti.
Midda saddexaad ayaa ah in aan fursad la siin qaar ka mid ah ciyaartoyda da’da yar sida Indrek iyo Arda Guler, xitaa natiijooyin xun, inkastoo ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Sababahaas oo dhan ayaa maamulka Real Madrid ka dhigay in ay ku fikiraan in ay shaqada ka caydhiyaan Ancelotti badhtamaha xilli ciyaareedkan inkasta oo aanu qorshahaas ahayn waxana laga yaabaa in ay arintu si rasmi ah u dhacdo hadii uu guul ku gaadhi waayo kulamada soo socda.