Home Wararka Ciyaaraha Maanta Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlay Mustaqbalka Pogba iyo Heshiiskiisa Cusub

Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlay Mustaqbalka Pogba iyo Heshiiskiisa Cusub

0

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in ay kooxdu wadahadalo la qaadatay Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba laakiin shaki galiyay mustaqbalkiisa wakhtiga fog ee kooxda Man United.

Paul Pogba ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagi doono kooxda Man United xilli uu wakiilka xiddigu qirtay in uu wakhtigii pogba ee Man United soo dhamaaday.

Paul Pogba ayaa kooxdiisa ku riixay in ay iska iibiso xagaagii iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid iyo Juventus kuwaas oo doonayay saxiixiisa.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalka Pogba mar walba way jiri doonaan”.

“Kooxdu waxa ay la qaadatay wadahadalo fiican Paul Pogba, waxa aan ka hadlanay xaalada”.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here