Home Horyaalka Ingiriiska Ole Gunnar Solskjaer oo ka warbixiyay xaalada Juan Mata ee Man United

Ole Gunnar Solskjaer oo ka warbixiyay xaalada Juan Mata ee Man United

0

Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in uusan layaabin maqalka xiisaha kooxaha kale ee saxiixa Juan Mata xagaagan.

Kubadsameeyaha reer Spain qandaraaska uu haatan kula joogo Old Trafford ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkaan, inkastoo Red Devils ay heysato fursad ay qandaraaska ugu kordhin karto 12 bilood oo dheeri ah.

Manchester United weli ma aysan bilaabin qandaraas kordhinta, sidaas darteed kubadsameeyaha ayaa farsamo ahaan xor u ah inuu kala hadlo kooxaha ajaanibta ah heshiiska uu ugu dhaqaaqayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Mata ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono Serie A xagaagan, Solskjaer ayaana sheegay inuusan la yaabin inuu maqlo wararka xanta ah.

Isagoo ka hadlaya wareysi ka hor kulanka Manchester United ee Real Sociedad ee Europa League habeenkii Khamiista, Solskjaer ayaa yiri : “Layaab iguma ahan in kooxaha ay xiiseynayaan isaga.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here