Ole Gunnar Solskjaer oo u ogolaaday Jesse Lingard in uu ka tago kooxda Manchester United

Jesse Lingard ayaa raadinaya inuu ka tago Manchester United bishaan ka dib markii uu codsaday in la iibiyo suuqa jiilaalka,

Telegraph ayaa ku warameysa in go’aanka ugu dambeeya lasiindoono xidigan go’ankaasi oo ka imaanaya maamulka kooxda.

Tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay inuu 28 jirkaan kusii hayo Old Trafford madaama kooxdu ay ugaarsi ugu jirto hanashada koobab xilli ciyaareedkan.

si kastaba ha ahaatee wuxuu “si cagajiid ah u ogolaaday” dalabkii iibka ee Lingard.

Newcastle United, Sheffield United, West Bromwich Albion iyo West Ham United ayaa dhamaantood xiiseynaya inay amaah ku qaataan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan, halka sidoo kale ay jiraan xiiso ka imaaneysa dibedda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*