
Oleksandr Zinchenko waxaa ka go’an inuu u dagaalamo booskiisa Manchester City Xili lala xiriirinayo Real Betis , sida lagu sheegay warbixintii ugu danbeesay.
Ciyaartoyga heerka caalami ee dalka Ukraine ayaa muhiim u ahaa ciyaartoyda Pep Guardiola xili ciyaareedkii hore.
Zinchenko ayaan ciyaarin Premier League ah kulamadii ugu danbeeyay xili Joao Cancelo uu ku soo baxay booska bidix ee Daafaca, taasoo keentay inuu ka hadlo arimaha suuqa kala iibsiga ee 2022
Real Betis ayaa lagu xamanayaa inay doonayso inay Zinchenko ku soo jiidato La Liga, laakiin The Sun ayaa sheegeysa in 25 jirkan uu doonayo inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa Guardiola ee XI.
Heshiiska uu Zinchenko kula jiro kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa ku eg sanadka 2024, waxaana Xidigan uu intaa ku daray in uu jecel yahay inuu ciyaaro cusub oo uu ku sii joogo Etihad.
Zinchenko oo loo diiwaan galiyay labo gool iyo sagaal 112 kulan oo uu u dhashay Man City tan iyo markii uu kaga soo biiray Ufa 2016 – wuxuu kula guuleystay Premier League, hal FA Cup iyo afar EFL Cup waqtigaas.
Be the first to comment