Difaaca bidix ee Arsenal ee Oleksandr Zinchenko ayaa si kaftan ah u shaaciyey laba ciyaartoy oo xaasidiin ah oo ku jira Arsenal oo aan jeclayn in ay kubadda dhiibaan, illaa inta ay kasoo xidhmayaan dariiqyada ay mari karayaan, laakiin waxa uu ka reebay oo aanu kusoo darin labada garab weerar ee Gabrel Martinelli iyo Bukayo Saka oo inta badan kubadda hore ula carara iyo Gabriel Jesus oo ay ka wada yimaaddeen Manchester CIty.
Oleksandr Zinchenko oo Arsenal kusoo biiray xagaagii oo uu uga soo wareegay Manchester City ayaa si degdeg ah u saldhigay Emirates Stadium, isaga oo tiir-dhexaad ka ahaa guulihii Gunners ay gaadhay xilli ciyaareedkan oo ay kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League oo ay muddo dheer hoggaaminaysay.
Xiddiga reer Ukraine oo booskiisa Arsenal damaanad u yahay oo aanay cidina ku qabsanin, aya waxa uu ciyaarta ugu dambaysa kooxdiisa xilli ciyaareedkan kaa maqnaanyaa dhaawac kasoo gaadhay kulankii Newcastle United, isaga oo horena u seegay kulamadii guul-darrada ee Brighton & Hove Albion iyo Nottingham Forest.
26 jirkan oo marka ay kooxdiisu kubadda haysato soo gala khadka dhexe oo uu baas-bixin iyo cidhiidhin ka sameeyo, isla markaana u ogolaada Granit Xhaka in uu helo xorriyad uu hore ugu socdo, ayaa waxa la weydiiyey haddii ay jiraan ciyaartooyo aan ku fiicnayn inay baaska bixiyaan, waxaana uu markiiba lasoo booday laba magac.
Oleksandr Zinchenko ayaa sheegay, in kabtanka kooxdiisa ee Martin Odegaard iyo Rob Holding oo ah difaaca ku dhibaatoonaya Emirates Stadium, in aanu midkoodna jeclayn in uu kubadda bixiyo oo ay xiiseeyaan in ay kubadda haystaan.