Olivier Giroud oo barbareen kara rikoor gooldhalin oo Chelsea u yaalla kulanka Everton

Photo/Reuters

Olivier Giroud ayaa raadinaya inuu barbareeyo rikoorka gooldhalinta Chelsea ee todobo kulan oo isku xigta marka Blues ay wajahdo Everton.

34 jirkaan ayaa inta badan ku sugnaa safka hore ee garoonka Stamford Bridge tan iyo imaatinkiisii Frank Lampard , waxana uu dhaliyay goolal muhiim u ahaa Chelsea

Haddii uu Giroud safka hore ka soo muuqdo oo uu gool ku dhaliyo Goodison Park waxa uu noqonayaa ciyaartoygii labaad ee Chelsea ee taariikhda Premier League ee shabaqa soo taabta toddobadii kulan ee isku xigta – waxaa sidaasi horay u sameeyay Mark Stein intii u dhexeysay bilihii Diseembar 1993 iyo Febraayo 1994.

Ka hor inta uusan goolal ka dhalin Sevilla iyo Leeds xilli ciyaareedkan, Giroud ayaa goolal ka dhaliyay bilowgii kulamadii Crystal Palace, Watford, Norwich City, Liverpool iyo Wolverhampton Wanderers dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Wiilasha Lampard ayaa haatan labo dhibcood ka hooseeya kooxaha Liverpool iyo Tottenham Hotspur ka hor kulanka Everton.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*