Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa Blues ku hogaamiyay guul wakhti dambe ah oo ay ka gaadheen kooxda Rennes kulan ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League.
Olivier Giroud Ayaa madax u dhaliyay kooxda chelsea isaga oo ka caawiyay in ay si Rasmi ah isaga xaadiriso wareega 16-ka tartanka Champions League.
Kadib goolkaas Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Olivier Giroud ayaa isku qoray taariikhda kooxaha Arsenal iyo Chelsea ee tartanka champions League.
Xiddiga Olivier Giroud Ayaa noqday xiddigii 4-aad ee Tartanka Champions League gool u dhaliya kooxaha Chelsea iyo Arsenal.
3-da xiddig ee Giroud kaga horeeyay rikoodhkaas ayaa kala ah xiddigaha William Gallas, Cesc Fabregas & Nicolas Anelka