Home Warar Ciyaaraha Maanta Jack Grealish Oo Wali Ka Baqaaya tuugadii soo weerartay gurigiisa

Jack Grealish Oo Wali Ka Baqaaya tuugadii soo weerartay gurigiisa

0

Jack Grealish ayaa ka baqaya in tuugadii soo weerartay gurigiisa oo ku yaala Cheshire aan wali la qaban, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Qasriga xiddiga  Manchester City oo ku fadhiyay 5.6 milyan oo gini ayay tuugo u dhaceen, iyagoo hore u qaatay Alaabo qaali ah iyo dahab qiimahiisa lagu qiyaasay 1 milyan oo gini.

Lammaanihiisa muddada dheer Sasha Attwood ayaa guriga kula joogtay 10 xubnood oo qoyska ah markii jabku dhacay.

Waxaa la bilaabay baaritaan ballaaran oo ay ku lug lahaayeen diyaarado helicopter ah iyo eeyo, waxaana wararku ay sheegayaan in kooxda tuugta ah ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan daartaas hal bil ka hor inta uusan weerarka dhicin balse ay baqeen markii ay arkeen gaari booliis ah oo goobta ka ag dhawaa.

Hadda Grealish ayaa cabsi xooggan dareemaya, iyadoo booliisku aysan weli qofna usoo xirin todoba bilood ka dib.

Toddobo bilood ayaa ka soo wareegtay dhacdada , welina cidna looma qaban.

Booliska ayaa sheegay in ay wali baarayaan, balse ay jirto cabsi dhab ah oo ay dalka uga carareen tuugada.

Jack wuxuu ka walwalsan yahay inaan waligood la qaban oo ay mar kale soo weerari karaan.

Madaxa kooxda City Manel Estiarte ayaa ku wargeliyay Grealish in gurigiisa la dhacay kadib seerigii ugu dambeeyay ee kulankii City 3-1 ay ku badisay Goodison Park maalintii Boxing Day-ga.

Welwel ayaa ka muuqday wejiga ciyaaryahanka markii uu ku soo yaacay tunnel-ka qolka labiska.

Gurigiisa oo ku yaala Cheshire waxa uu ku yaalaa dhul qani ah oo loo malaynayo in ay bartilmaameedsadeen kooxo tuugo ah oo xirfadlayaal ah oo u kala dhashay Brazil, Mexico, Peru iyo Chile.

Grealish kaliya maaha ciyaartoyga Premier League ee weerarrada lala beegsaday, waxaa sidoo kale hore loo weeraray Joelinton, Victor Lindelof iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo ay dhammaantood la kulmeen dhibaatooyin isku mid ah sannadihii u dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here