Home Wararka Ciyaaraha Ousmane Dembele oo heshiis afka ah la gaaray Paris Saint-Germain

Ousmane Dembele oo heshiis afka ah la gaaray Paris Saint-Germain

0
Ad

Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu ‘heshiis afka ah’ la gaaray Paris Saint-Germain si uu beeca xorta ah ugu biiro kooxda reer France xagaagan.

24-sano jirkaan ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo intii lagu jiray ololihii 2021-22, waxaana laga saaray kooxda muddo horaantii sanadkan iyadoo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa.

Ad

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si joogta ah ugu ciyaarayay kooxda Catalan usbuucyadii dhawaa, iyadoo weeraryahanka uu dhaliyay labo gool islamarkaana loo diiwaan geliyay 7 caawin 19 kulan oo uu u saftay heerka naadi xilli ciyaareedkan.

Qandaraaska Dembele ee Camp Nou wuxuu dhacayaa dhamaadka bisha June, kooxo badan, oo ay ku jiraan Manchester United , Chelsea , Tottenham Hotspur , ayaa wali lala xiriirinayaa adeegiisa.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay FootMercato , xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa durbadiiba heshiis afka ah kula jira PSG si uu beeca xorta ah ugu biiro kooxda ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Ligue 1 ay u aragto Dembele inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican ee kor u qaadi kara weerarkooda, iyadoo Kylian Mbappe la filayo inuu beeca xorta ah kaga tago xagaagan.

Previous articleArsenal oo dalab ku aadan Eden Hazard u dirtay kooxda Real Madrid
Next articleTababaraha Liverpool Klopp oo si maldahan u sheegay Bixitaanka Labo Xidig oo muhiim u ah Koox

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here