Ousmane Dembele oo ku sii dhawaanaya Chelsea, Xili Tuchel uu qaatay go’an Feecan oo ku aadan

Weeraryahanka ka tagaya Barcelona Ousmane Dembele ayaa qarka u saaran inuu ku sii dhawaado Chelsea.

Dembele, oo 25 jir ah, waa wakiil xor ah dhamaadka bishaan, iyadoo Chelsea iyo Paris Saint Germain ay xiriir la leeyihiin.

Madaxweynaha Barca Joan Laporta ayaa sheegay in qandaraaskooda ugu dambeeya uu weli miiska saaran yahay, laakiin aan la hagaajin doonin.

Dembele ayaa ka tagi doona Barca, iyadoo Chelsea ay wadahadalo kula jirto wakiilkiisa Moussa Sissoko . Laakiin waxaa ka go’an inuu dib u dhigo go’aan kasta ilaa uu ka soo laabanayo fasaxa, sida ay qortay Mirror .

Taas ayaa la macno ah in aan wali wax go’aan ah la gaadhin, taasi oo rajo siineysa kooxda Chelsea.

Chelsea waxa ay rajaynaysaa inay faa’iido helaan maadaama uu tababare Thomas Tuchel garanayo Dembele waqtigii ay wada joogeen Borussia Dortmund .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*