Home Wararka Ciyaaraha Pablo Gavi oo xilli ciyaareedka dambe booska joogtada ah ee uu kooxdaas...

Pablo Gavi oo xilli ciyaareedka dambe booska joogtada ah ee uu kooxdaas ka haysto waayi Doona

0

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Pablo Gavi ayaa xilli ciyaareedka dambe booska joogtada ah ee uu kooxdaas ka haysto waayi kara.

Barcelona ayay macquul tahay inaysan haysan lacag ay saxeexyo badan ku samayso suuqa soo socda balse waxay leeyihiin qorshayaal waaweyn oo ay safka kooxdooda ku xoojinayaan.

Haddii dhammaan qorshayaashaasi najaxaan waxa macquul ah in mid kamida xiddigaha furaha u ahi keydka saaxiib dhaw la noqdo.

Barcelona ayaa caddaysay inay isku dayayso oo waxkasta u samayn doonto sidii ay Lionel Messi dib ugula soo saxeexan lahayd xilli uu dhinaciisa kabtan Sergio Busquets kooxda kasii socdo.

Wargeyska Mundo Deportivo oo xog ka qoray ayaa sheegaya in Barca sidoo kale doonaysa Ilkay Gundogan oo ah kabtanka Man City iyo Joshua Kimmich oo Bayern Munich qayb ka ah waliba aaminsan tahay inay labada saxeexba macquul yihiin.

Xaqiiqada ah in Pedri iyo De Jong ay adkaan doonto in keydka la dhigaa ayaa la macno ah inay u badan tahay in Pablo Gavi booskiisu halis ku jiro xilli ciyaareedka dambe.

Qorshahaas ayaa ah marka afarta khad dhexe oo noqon kara De Jong, Kimmich, Pedri iyo Gundogan laga fikiro ee aan waliba la xisaabin Dembele iyo Raphinha midka weerarka kala ciyaari kara Messi iyo Lewandowski.

Previous articlePaul Merson Oo SAADAALIYAY Premier League, Aragtidiisa Kooxaha Top 4 Ku Tartamaya & Man City v Chelsea
Next articleTababareyaasha ugu shidan ama ugu quruxda badan kubadda cagta oo laShaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here