Paolo Maldini ayaa xaqiijiyay xiisaha Barcelona ee Franck Kessie

MEDINA/AFP/Getty Images)

Agaasimaha AC Milan Paolo Maldini ayaa qiray in Barcelona ay dooneyso inay lasoo saxiixato Franck Kessie xagaagan.

Qandaraaska xiddiga reer Ivory Coast ee San Siro ayaa ku eg dhamaadka bisha June, waxaana ay u muuqataa mid sii kordheysa oo aan loo badneyn inuu heshiis kordhin u saxiixo Milan.

Maldini ayaa xaqiijiyay in ay Barcelona xiiso u qabto xiddiga khadka dhexe kaas oo dhaliyay 6 gool waxana uu u diiwaan gashaday hal caawin 27 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkan.

Agaasimaha Milan ayaa sidoo kale ku celiyay in kooxda Serie A aysan ‘badali doonin mowqifkooda’ si ay uga hortagaan 25 jirkaan inuu beeca xorta ah kaga tago dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Waa wax iska caadi ah in la arko in Barcelona ay xiiseyneyso saxiixa Franck,” Maldini ayaa u sheegay Mediaset . “Mowqifkeena aad ayuu u cad yahay [heshiiskii Kessie], waana qayb ka mid ah istaraatiijiyada kooxda, ma bedeli doono mowqifkeena.”

Kessie ayaa dhaliyay 36 gool waxaana loo diiwangeliyay 16 caawin 211 kulan oo uu u saftay Milan tan iyo markii uu uga soo dhaqaaqay Atalanta BC.

Tottenham Hotspur , Paris Saint-Germain , Real Madrid iyo Manchester United ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inay xiiseynayeen ciyaaryahanka khadka dhexe dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*